Haweenay guri laga xukumey gobolka Banaadir oo saxaafada la hortimi WARAAAQO muujinaya in aabaheed guriga lahaa, maxkamadna ka xukuntey.
Baarliin, waxay sheegtay in guriga uu lahaa aabaheed uuna yahay guri dhaxal ah balse maxkamadda gobolka Banaadir ay u xukmisay guriga haweeney uu qabay aabaheed oo eedo u aheyd.
Waxay sheegtay in guriga aysan xoog ku heynsan iyaga balse ay ilaalinayeen maadaama aabaheed uu dhintay marhore, laakiin haweeneyda eedada u ah ay ku dacweysay maxkamada gobolka Banaadir.
Baarliin oo saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay cadeymo muujinaya lahaanshiyaha guriga oo ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS