Haweenay jahli ka ahayd shareecadeena Islaam oo kaliya ku nooleyd akhrinta waxyaabaha ay Islaamka ka qoraan kuwa sideeda jaahilka ah ee saxaafada reer galbeedka ayaa Muslimiin diinta bartey yaqaana sida loo jilciyo qalbiga xiran ay ka oohisiiyeen. Haweenaydan ayaa had iyo jeer sidan jirtey boodhadh ay ku qoran yihiin Islaam ma rabno Shareecana ma rabno.
Haddii argagixisada Daacish, Boko xaraam, Shabaab, Talibaan heli lahayd waxay ka jari lahaayeen qoorta sida xoolaha waxase dood la furey Muslimiin saxa oo diinta bartey yaqaana sida loo jilciyo qalbiyada xiran iyo sida dadku ku diimaha kale wax loo fahamsiiyo.
Sidoo kale, waxa cajiib noqotay nin Yuhuudi ah inuu u yimi gabadhan, kadibna ka codsaday in ay la hadasho, waxaanay ugu jawaabtay; “Halkan umaan iman adiga. Muslim ma tihid.” Kadib markii uu si maldahan ugu yidhi in laf ahaantiisu uu Muslim noqon karo, waxa ay ku qaylisay inuu ka fogaado, waddadana uga leexdo, iyadoo waliba la socodsiisay in asaxaabteedu mudaharaadkan ku wehelin doonaan, laakiin laf ahaantiisu uu u sheegay in asaxaab noqon karaan.
“Haddii aad Muslim tahay, kulama saaxiibi karo, mana aaminsani in Muslimku nabad leeyahay, waxaanan doonayaa in la joojiyo dadka kurka laga jaray,” ayey ku jawaabtay.
Ugu danbeyn waxay gabadhani u sheegtay ninkaas inay macluumaad ku saabsan mudaharaadkeeda ka heshay koox ay facebook kula asxaab tahay, balse ninkan oo u sheegay inuu Yahuudi yahay waxa uu u sharraxay in aanay diinta Islaamku fawdo ku dhisnayn.
Ugu dambayn, waxa gabadha loo sheegay in masaajidka loogu diyaariyey quraac loogu talagalay in ay cunto marka ay timaado, kadib markii ay la soo socodsiisay in ay mudaharaad ugu imaanayso dadka masaajidka ku sugan.
Waxa ay aakhirkii aqbashay, kadib marka ay ogaatay naxariista loo fidiyey in aanay khiyamo ahayn naxariista dadka Muslimka ah.
Sidoo kale, haweenka ay la kulantay ayaa u sheegay in la khalad fahansiiyey oo dadku xumaan iyo wanaag isugu jiraan. Gabadh ka mid ah haweenkaas, ayaa u tilmaantay in ay ka soo jeedo Mexico, maalin walbana ay aragto dadka daroogada ka ganacsada oo dad laaynaaya, kufsanaaya iyagoo aaminsan caqiida Kaatoliga (Catholic). Qof kale ayaa laf ahaantiisu uga sheekeeyey taariikhda Naasiga (Nazi) iyo siday dadka u xasuuqeen, iyagoo Kiristiyaan ah.
Waxa ay u sharraxeen in loo baahan yahay in si wada jir ah loogu mudaharaado kooxaha aaminsan in ay diin u dagaalamayaan ee aan la isku raacsanayn.
“Waxa aan ugu ducaynaya walaaladayda muslimka ah, waxaan doonayaa oo kaliya in dilka la joojiyo,” ayey tidhi gabadhan mudaharaadaysay ee hubka nacaybka laga baabi’iyey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM