X

Haweenay Muslim ah oo u ordaysa madaxtinimada dalkaasi Ruushka

Haweenay Muslim ah ayaa u ordaysa madaxtinimada dalkaasi Ruushka. Doorashada madaxtooyada ayaa dhacaysa bisha sadexaad ee sanadkan waxase indhaha loo wada taagey is diiwaangelinta.



Ayna Gamsatova ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horeysay ee Muslim ah ee ka qaybgasha tartanka madaxtinimada dalkaasi Ruushka oo lagu yaqaano in haweenka lagu ixtiraamo shaqadooda.

Ayna ayaa ah xaaska iyo la taliyaha hogaamiyaha ahna sheekha gobolka Muslimku ku badan yahay ee Dhagistaan.



Gudiga doorashada ee dalkaasi Ruushka ayaa sheegay in Ayna gudbisay waraaqaha looga baahnaa hadana ay tahay musharax u taagan madaxweynaha dalkaasi Ruushka.



Talaabadan ayaa loo arkaa in Muslimku u istaagi karaan madaxtinimada dalkaasi Ruushka. Waxana doorashada ku guulaysanaya madaxweynaha hadda ee Putin oo Ruushku aad u jecelyihiin.

Sawirka hoose waa Ayna

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.