X

Haweenay Somali ah oo argagixisada Daacish guursatey oo laga helay xeryaha Suuriya

Nasra Abuukar ayaa Ingiriisku sheegay inay ka baxsatey gurigeeda ku yaala Landhan kuna birtey argagixisada Daacish. Nasra ayaa markiiba la siiyay nin argagixis ayadoo loogu sheegay in janada toos loo galayo. Waxayna ku dhashay laba wiil ninkan oo lagu sheegay inuu yahay Afrikaan madow ah laakiin ka soo jeeda Ingiriiska.


Mid ka mida labada wiil ee ay dhashay ayaa lagu diley duqeyn cirka ah sida ay sheegeen dadka ku arkey xeryaha Kurdiyiinta ee lagu hayo. Nasra Abuukar ayaa Ingiriisku ka xayuubiyay dhalashada inkastoo hadda maxkamad u socoto iyada iyo dumarka la midka ah ee guursadey argagixisada Daacish.

”Waxaan rabaa inaan Ingiriiska ku noqdo ayaa laga soo weriyay mase oga inuu yahay isla dalkii hooyadeed magangelyada siiyay. Waxa kale oo laga soo xigtey inay ku faraxdey xasuuqyada Daacish sheegteen ee ka dhacay Ingiriiska iyo wadamada kale.


Xeryaha Kurdiyiinta ayaa waxa ka buuxa naago Daacish caruuro ka wada dhaleen oo hadda cidla taagan rabana inay ku soo noqdaan dalalkii ay ka kibreen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.