X

Haweenay u qaabilsan arimaha tacadiga maamulka Siilaanyo oo la timi hab lagu helayo dadka kufsiga gaystey

Marwo Farxiya oo ka hadlaysay furintaanka xuska 15-ka cisho ee ka dhanka ah tacaddiga haweenka, ayaa soo jeedisay hab loo helayo dadka bartey in ay kufsadaan haweenka iyo caruurta.

Marwadu waxa ay sharaxday tallaabada uu qaadayo qof kasta oo cid uu masuul ka yahay kufsi lagu sameeyaa.

Farxiya Xuseen Jaahuur oo aan ka xishoon nidaamka at wadato ayaa sheegtay “marka gabadh ama wiil kufsi loo geysto, dadka tacaddigaasi ku dhaco waa in la geeyo xarun Boolis, marka labaadna waa in xarun dhakhtar la geeyaa, hooyooyinkana waxan ku waaninayaa  gabdhaha ama wiilsha marka uu kufsigu ku dhaco inaan la maydhin ama aan la dhaqin meesha uu kufsigu kaga dhaco ilaa dhakhar la geeyo 24-saacadood gudahoodna waa la helayaa biyihii kufsiga.

Nidaamka ay marwadani ugu dhawaaqday farriinteeda, ayaa ah mid ay dhegaha dadku diidayaan, isla-markaana kasoo horjeedda qaabka dadka wax loogu gudbiyo, waxana ay dhaawac weyn ku tahay asluubta umadda wax loo faro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.