Haweenay la sheegay in ay tahay tan ugu buuran Masar amaba aduunka ayaa loo qaadayaa Hindiya si qaliin loogu sameeyo. Haweenaydan ayaa la shegay in ay tahay 500kg culayskeeda. Xanuun la wajahay awgeed ayayna sariir ka kicin.
Haweenaydan ayaa markii hore fiisaha dalkaasi loo diidey, waxase la ogolaadey markii dhaqtarka qaliinka samaynaya uu telfoon ku wacay wasiirka arimaha dibedda.
Culayska haweenaydan oo lagu magacaabo Iimaan Axmed Abd El Aty oo 36 jir ah ayaa hadduu run noqdo miisaankeeda ay noqonaysa haweenayda ugu culus aduunka inta la ogyahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS