X

Haweenka Amisom oo socod ku maray magaalada Muqdisho iyo sababta: SAWIRO

Waxa manta magaalada Muqdisho banaanbax ka dhigey haweenka ka midka ah Amisom ayagoo qaayb ka ahaa maalinta weyn ee loo qosheeyay haweenka caalamiga ee sideeda Maarso.



Waxa socodka qayb ka ahaa haweenka askarta ah ee ciidamada AMSOM sida milateriga iyo Booliska.

Bannaanbaxa ayaa la sheegay inuu ahaa bandhig ay isku barbar taagayeen haweenka Soomaaliyeed ee xaaladda amni darrada ku nool iyo guud ahaan haweenka adduunka.



“Nabad ilaalin lama sameyn karo haween la’aantood, maxaa yeelay haweenka ayaa ah kuwo u dhow dadka, waxayna la tacaali karaan arrimaha haweenka, haweenku waxay leeyihiin il qarsoon oo ay xaaladda ku qiyaasi karaan kuna fahmi karaan waxa socda”ayay tiri kaaliyaha booliska AMISOM Judy Lamet oo u dhalatay Kiiniya.



Ku xigeenka madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto oo banaanbaxa hogaamineysay ayaa sheegtay inay taageereyso kordhinta tirada haweenka nabad ilaaliyeyaasha ah ee milateriga iyo Booliska ka mida.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.