Haweenka Bosniya ee Muslimiinta ayaa banaanbax ka dhigey xijaabka ay xirtaan oo meelaha qaar laga diidey. Haween aad u farabadan ayaa ka cawdey in ujeedada sharcigani uu yahay in laga madnuuco shaqooyinka qaar xilli dalka ay ka jirto shaqo la’aan baahsan.
Sharci aan la meelmarin ayaa dhigaya in haweenku xijaab la’aan ku yimaadaan xarumaha qaar sida maxkamadaha. Dalka ayaa waxa ku nool ila boqolkiiba 30 oo u badan kuwa haysta diimaha Kiristaanka.
Xijaabka goobaha shaqada laga diidey ayaa ah masarka noocyada kale duwan ee timaha lagu qariyo. Sharciga ayaa si guud u madnuucay calaamadaha diimaha inkastoo midkan u si khaasa u khuseeyo Muslimiinta maadaama ay yihiin kuwa kaliya ee masarka xirta.
Waxa dhinaca kale Jira in dhaqamada carabta ee marada madow ay dalka ku soo faafayaan kuwaas oo ay soo geliyaan dalka ururada diimaha sida kan Sucuudiga ee Salafiga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS