X

Haweenka danyarta ee Afgooye oo dhacdo foolxun lagu kacay halmarna ka qayliyay

Haweenka ka ganacsada magaalada Afgooye ee ay dawladu maamusho magac ahaan ayaa hadda dalbadey in la soo gaaro kadib markii muddo shan bilooda laga guraayay lacago baada oo ayna awoodin ayagoo loogu hanjabay in la dilayo hadayna bixinin lacagahaas


Haweenkan oo afka hadda furtey markii loo diidey jiif iyo nolol ayaa sheegay in kooxda gaalaynta muslimiinta ee Daacish ka gurato lacago baada oo ay ku fuliyaan hawlaha dilalka qorsheysan ee ay ka wadaan dalka.

Argagixisada Daacish ayaa sidoo kale haweenka ku amray in bil kasta ay ka doonayaan lacagta lagu qoray.


Lacagaha lagu amray haweenkaasi ayaa u dhexeeya  20 ilaa 10 Doolar, iyadoo haweenka qaarkood ay bixiyeen lacag Shilin Somali ah muddo 5 bilood ah kaddib markii argagixusadu diidey in moobil loogu shubo.


Haweenka ayaa afka furtey markii argagixisada,Daacush suuqa ka baxeen, waxana mar kaliya is qabsaday buuq iyo sawaxan haweenkaasi ka muujiyeen sida argagixidadu u dhacdey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.