X

Hawiye degan Hargeysa oo sheegay in qoyska Muuse Biixi dhul ka boobay

Odayaal Hawiye (Habargidir) ayaa cabasho ka muujiyay dhul ay ka dhaceen qoyska Muuse Biixi. Maaha markii ugu horeysay ee qoyska Muuse Biixi uu dad masaakiina dhul ka dhaco Hargeysa. Hadda waxaba la beegsadaa haweenka ay qabaan ayuu yiri Xuseen Warsame.



Mana aha markii ugu horeysay ee haweenay Isaaq qabo lagu dulmiyo Hargeysa, waxaan u dambeysay haweenay Samaroona oo calanka qaranka ku goglatey gurigeeda oo Muuse Biixi jeelka u taxaabay ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Odayaashan Habargidir ayaa sheegay in awal dadkale la dhici jirey haddase ay iyaga soo gashay arintu. Odayaashan Habargidir ayay dantu ku qasabtey inay isticmaalaan erayga ”Jamhuuriyada Somalilaan”.


Waxay ka digeen hadaan Muuse Biixi saaxiga keenin inay yaqaanaan sida u aargudan doonaan. Ictiraafkii miyaa halkan soo galay ayuu yiri oday ka mida.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.