Hay’ad u dooda xuquuqda dadka lagana leeyahay dalkaasi Maraykanka ayaa diidey dib u celinta ka socota xerada Dhadhaab ee Kiiniya. Hay’ada Human rights Watch ayaa sheegtay in Kiiniya cagahjugleyn wax ku wado.
Hay’ada ayaa sheegtay in qoxootiga aan la siinin dookh ama kala doorasho oo qoxootiga laftoodu ka baqayaan hadayna noqon ay waayayaan lacagta yar ee lagu siiyo meesha.
Waxay dawlada Kiiniya ku eedaysay in ayna warka haynin halka at ku khasbayso qoxootigan oo ay soo wajahdo caqabado farabadan. Waxayna hay’adu sheegtay in sida hadda wax loo wado at ka soo horjeeda qaraarada qoxootiyada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS