X

Hay’ada bisha cas ee Imaaraadka oo bilowdey quudinta qoxootiga ka soo barakacay Yaman ee Boosaaso+SAWIRO

Boosaaso–Hay’ada bisha cas ee Imaaraadka ayaa bilowdey quudinta dadka ka soo barakacay Yaman ee Sucuudigu soo barakiciyay. Munaasabada lagu Daahfuray Barnaamijka,ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland,Guddoomiyaha Gobolka Bari,Wakiilka Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta iyo Mas’uuliyiin ka socday Guddiga Gurmadka dadka kaso qaxay dalka Yaman.

Wakiilka Hay’ada Bisha Cas ee Dawlada Imaaraatka Caranta Axmed Siciid Ismaaciil ‘’Qaloombi’’ oo ka hadlay Munaasabada,ayaa sheegay in Afurka ay ugu talagaleen dadka kaso qaxay Yaman uu ka kooban yahay noocyada kala duwan ee Cuntada,waxaana uu xusay inaysan hakad galinayn Gargaarka ay u fidinayaan dadka kaso qaxay Yaman.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga Yaman Sheekh Yuusuf Axmed Daad ayaa sheegay in Hay’ada Bisha Cas ay qaaday talaabo ku dayasho mudan,wuxuuna bogaadiyay Barnaamijka ay Hay’adu ka bilowday Bosaso.

Hay’ada Bisha Cas ayaa horay Puntland uga hirgalisay Barnaamijyo wax ku ool u ah Bulshada reer Puntland oo ay ka mid yihiin Ceelal ay ka qodeen Puntland.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.