X

Hay’ada isgaarsiinta oo lagu wareejay astaanta internet-ka Somaliya

Hay’ada isgaarsiinta ayaa lagu wareejay astaanta internetka Somaliya. Internet-ka Somaliya ayaa waxa awal laga maamuli jirey meelo ka baxsan Somaliya.



Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy’ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.



“Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, xukuumadda, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan illaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay” ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur.

 Sidoo kale u mahadceliyay wasiirka Xannaanada Xoolaha, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo aan munaasabadda joogin oo hawshan gacan weyn ka geystay. Wuxuu kale bogaadiyay shaqaalihii iyo maamulkii hore ee SONIC oo uu ugu horreeyo Mudane C/casiis oo si xilkasnimo leh u soo wareejiyay hantidan qaran.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.