X

Hay’ada isgaarsiinta Somaliya oo u digtey shirkadaha isgaarsiinta ee welli bilaa ruqsada ah

Qoraal ay hay’adu soo saartey ayay uga digtey shirkadaha is-gaarsiinta ee welli bilaa laysanka ah in muddada u hartey ay tahay ilaa bishan aakhirkeeda inay isku sharcyeeyaan.


Hay’ada ayaa wacygelin soo saartey sanadkii hore ayadoo uga digeysa shirkadaha aan welli haysan laysanka ganacsiga isgaarsiinta inay qaataan ayna bixiyaan lacagta fiida.


Lacagta fiida ayaa ah 5000 kun oo doolar halka sanadkiina ay tahay cashuurta guud 275 kun oo doolarka Maraykanka ah. Digniintan ayay ku socotaa dhamaan shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.