X

Hay’ada shaqaalaha maamulka Somaliland oo musuqey tiro shaqaale ah oo Laascaanood la siiyay

Hay’ada shaqaalaha maamulka Somaliland ayaa musuqey tiro shaqaale ah oo Laascaanood la siiyay sida uu sheegay madaxa hay’adaas. Musuqa ugu xun ayaa ka dhacay Laascaanood.

Sida ay goobjoogayaal sheegeen waxa dhawaan la soo direy xubno ka yimi Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ah deegaanada beesha dhexe si ay u noqdaan tirada 30 ah ee Laascaanood loogu talogalay.



Markii la gaadhay qabashada xogaha shaqodoonka oo lagu qabanayey Guriga Gobalka oo saldhig u ahaa xubnahan Hargeysa ka yimi ayaa waxaa dhacday in Dhalinyaradii Deegaanka ahaa warqadahoodii iyo xogihii shaqodoonkooda Qashinka lagu daro isla jeerkaasna kaga qabto oo kaliya kuwa ka yimi HARGEYSA BERBERA iyo GABILAY.

Taas oo wax lala yaabo iyo Cadaalad daradii ugu balaadhneyd ee hadhaysay Hay,adda shaqaalaha maamulka Soomaaliland.



Intii Xubnahan magaalada Laascaanood ku sugnaayeen waxaa dhacday in Mudaharaad kadib markii laga qaban waayey warqadaha xogaha shaqodoonka ugu danbayna maanta ayaa Hoolka weyn Jaamacadda Nugaal lagu soo Afmeeray waxaana Imtixaanka u fadhiistay 2012 Qof oo ka kala yimi Guud ahaan Deeganaada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.