Hay’ada socdaalka ayaa xafiis ka furatey degmada Beled-xaawo.
Xafiiskaan ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu weheliyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa.
Beled-xaawo ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka deegaanka iyo ciidanka Kiiniya kadib markii Kiiniya ay bilowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso Magaalada Balad Xaawo.
Derbiga Kiiniy oo wasiir Juxa ka hadley
“Waxaan meeshaan ku tagnay wafdi isugu jira Wasiiro,xildhibaano ujeeda socdaalkayna wuxuu yahay sidii aan ugu kuurgali lahayn, xaaladaha ka taagan magaalada Beled-xaawo.
Waxaan marka hore ka degnay Doolow si fiican ayaa nalagu soo dhaweeyey hadana waxaan joognaa Beled-xaawo waxaan tagnay meesha derbiga laga dhisayo arin kale ma ahan waa inta u dhexeysa labada magaalo ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu raaciyay in si farsamo ah loo geli doono xaqiiqda waxa jirana la ogaan doono, waxaana jira guddi farsamo”
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS