Hay’ad u dooda xuquuqda dadka ayaa indhahooda ku soo arkay hub khatara oo Sucuudiga kibirsan ku weeraray ciidanka Yaman. Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Saada ee Woqooyiga Yaman gaar ahaan magaalada la yiraa Al-Safraa halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidanka Yaman ee ay garwadeenka ka yihiin Xuutiyiinta.
Hubkan oo si balaadhan loogu daadiyo goobta dagaalka waa ka madnuuc aduunka iyadoo sababtu tahay in uu kaga tago goobaha lagu daadiyo hub wali aan qarxin oo khatar ku ah caruurta iyo dadka aan dagaalka ku jirin.
Hubkan oo luqada Ingiriiska loogu yeero Cluster waxa Sucuudiga ka iibiyay Maraykanka. Waxa iyana haysta dalkaasi Imaaraadka Carabta kuwaas oo diyaaradahoodu ay joojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidanka Yaman. Dadka deegaanka ayaa sheegay in hubkan lagu weeraray bishii hore iyadoo lagu soo daadiyay baarashuut.
Sucuudiga oo dagaal diimeed isaga u gaara kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa burbur xoogan u gaystay madaarada, isbitaalada, iyo goobaha dadku ka socon lahaa oo dhan, taas oo keentay in Yaman gasho burbur dhaqaale oo xoogan.
Hubkan waxa saxiixay in la madnuuco aduunka badankiisa laakiinse Salafiga Sucuudiga iyo Maraykanku iyagu ma saxiixin inkastoo Maraykanku sheego in aanu hubkan ka iibin meelaha uu is leeyahay waxa lagu gumaadi dad shacaba taas oo la ogyahay in ayna waxba ka jirin oo uu hubkan siiyay Yuhuuda kuwaas oo ku weeraray magaalada camiran ee Qaza. Arag sawirka hoose.
Si kastaba ha ahaatee fitnadan iyo xasuuqan uu bilaabay Sucuudigu isagoo gaaleeyay Shiicada kadibna banaystey dhiigooda ayuu isku dayayaa in uu curyaamiyo jaarkiisa iyo dadkiisa degan Bariga dalkaasi oo goobaha uu ka helo lacagtan uu ku kibrey.
Sawirada hoose waa kuwii laga soo qaaday gobolkaas oo aad ku arkaysaan hubkaas oo mid qarxay midna wali ay ka buuxaan miinooyinkii yaryaraa ee uu caanka ku yahay hubkani iyadoo caruurtu moodeyso quruxdiisa wax lagu ciyaaro.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM, ku soo biir bogga facebook ee araabinews.com