Hay’adaha magaca Somaliyeed ku cuna malaayiin doolar ayaa caqabad ku noqdey garoonka Muqdisho. Wasaarada ayaa qabta in garoonku aanu ahayn garoon caalami oo diyaarad kastaa soo fadhiisato.
Wuxuu sheegay hay’adaha Qaramada midoobey in ay degan yihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, sababo amni darteed, balse ay carqalad ku noqdeen balaarinta iyo howlaha kale ee ka socda, muhiimna ay tahay in arrimahaasi wax laga qabto.
Sidoo kale Wasiir Oomaar ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in la sii deganaado, Agagaarka Garoonka Diyaaradaha, hadana uu tilmaamay in wada hadal ay halkaasi uga guurayaan.
Wasiirka ayaa u muuqda in awood daro ay jirto oo ayna xilligan Somaliya awoodin in ay hay’adaha malaayiinta ku qaata magaca Somaliyeed laga eryo dalka.
Arintan ayaa hore loo geeyay golaha wasiirada halkaasi oo lagu ansixiyay in hay’adahan ay halkaasi ka guuraan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS