Taniyo intii loo daayay xukunka maamulka Somaliland ayaa Muuse Biixi ku kacay tacadiyo farabadan oo ka dhana bani aadamka oo ay ka mid yihiin falal argagixiso sida dadka oo guryahooda loogu daato halkaas oo la argagax la geliyo.
Dhacdo ka dhacdey Boorama ayaa ku xigeenkiisa Saylici uu askar u soo direy wiil dhalinyara oo wax ku qora baraha bulshada laguna magacaabo Mukhtaar Cali Aadan wuxuuna weli u xiran yahay Saylici.
Dhawaan ayaa askartu u daadatay telefishano ka hawlgala Hargeysa halkaana hilfaha u qaadey wixii joogey ayadoo mid ka mida lagu eedeeyay maxaad u sii deysay barnaamij.
Hay’adaha xuquuqul insaanka oo wax badan ka hadley tacadiga lagu hayo dadka caadiga ah ee fikirkooda dhiibta ayaa u gudbiyay dawladaha caalamka, kuwaas oo xayiraad saarey Muuse Biixi.
”Intani hadda waa tacadiyadii u dambeeyay waxa welli jeelasha ku jira dhalinyaro farabadan oo u xiran fikradahooda ayuu yiri Xuseen Warsame.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS