X

Hay’adaha xuquuqda u dooda oo si aada u cambaareeyay xadhiga Suldaan Abshir

Hay’adaha xuquuqda u dooda ayaa si weyn u cambaareeyay xadhiga Muuse Biixi oo wata Saylici uu Kula kacay Suldaan Abshir. Hay’addaha xuquuqda ayaa hore uga qayliyay tacadiga Muuse Handaraab kula kacay dadka waxgaradka ah.


Warbixin ay kaga hadashay tacadiga guud ee gobolka ee uu wado Muuse Biixi ayay hay’aduhu kaga hadleen xariga Suldaanka oo isagu u dambeeyay waxgaradka uu jeelka u taxaabay.

Waxa dhinaca kale iyaguna si xun u cambaareeyay xariga Suldaan Abshir oo ah Suldaan dadkiisa u sheegayay inay ilaashadaan kheyraadka dhulkooda Muuse Handaraab Ku soo duulayo, waxgaradka Awdal iyo ugaaska guud ee beelaha Samaroon ugaas C/rashiid.


“Muuse Handaraab wuxuu isleeyahay waxgaradka reer Awdal wada xidh laakiin Wuu Ku hungoobi doonaa ayuu yiri Xuseen Warsame.


Hay’adda amnesti ee xarunteedu tahay London ayaa sheegtay inayna xaqiijin Karin in Suldaanka la sii fogeeyay Awdal lana geeyay xabsiga Madheera.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.