X

HCTV: Abeesooyinkii Godka Loogu Galay oo Tii Ugu Horaysay Xamali Wayday;QALINKII Hinda Jaamac Faarax

Xalay waxa laga daawaday HCTV Barnaamij cabsi horaantiiye oo laga dhex fahmi karo halka uu salka ku hayo Bilawga shirqoolka musharaxnimada jamal iyo dhamaadkii inqilaabka oo ahaa xukun qarqooshkii Maxkamada Sare oo noqday laba isku lamaan.

Hadaba; Dhawaaqii Jamal Cali Xuseen ee ahaa doorkan hadii Musharaxnimadiisii waayay inuu dhisayo Muuse Biixi iyo Kulmiye, waxa sas ka qaaday cid kasta oo qayb ka ahayd shirqoolkii lagu wiiqay Musharaxnimada Jamal oo u arkay in Abeesadii Godkeedii Loogu Galay.

Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali wuxuu dagaal qaawan la galay Jamal Musharaxnimadiisa iyo inuu Kulmiye iyo Xukuumada uu xagooda u kaco. Sababtuna waxa weeyi hantida(share) Jamal ku leeyahay HCTV oo mudo 10 sano ka badan wax xisaab ah aan laga hayn.

Jamal Wuxuu ka mid yahay Shareholders HCTV galiyay hantidiisii Isagoo inyar u jirsaday in albaabada loo xidho televisionka. Waxa layaab leh ninka aad maalkiisa ku shaqaysanayso ee aan kula xisaabtamin mudada intaa le’eg inaad ka shaqayso waxyeeladiisa ood waliba sii xag xagatid isagoon musharaxba ahayn. IHN. Gabay uu Tiriyay M/weynahii hore Marx. Cigaal ayaa bayd ka mid ah kasoo qaadanayaa.

-Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho dayn waayo
-Xaajooyin duugoobay oo daalay baa imane
-Waa lay damqaayaaye inaan furo ma doonayn.

Waxa marag madoon ah doorka uu ku lahaa Mulkiilaha HCTV shirqoolkii lagu qaaday Musharaxnimadii Jamal, Isagoo la kaashanaya Xildh Cabdale Xaaji Cali oo Baarlamaanka Federalka Somalia ka tirsan, Hargeysa ayaa loogu yeedhay arintan jamal darteed si culuys loogu qanciyo walaalkiisa kale Gud. Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali inuu Xukunka loo janjeedhiyo dhinaca Faysal awoodaha shirkana gacanta laga galiyo.

Sidaas darteed Mulkiilaha HCTV waxaan leeyahay waa damiir xumo ninka aad hantidiisii, maalkiisii iyo maskaxdiisii aad ku shaqaysanaysid oo waliba hadimadiisa iyo dhibaatadiisa ayaan lacag ku doonanayaa;

isagoo ka cararaya la xisaabtan. Haduu walaalkaa xaqdaro kaga xukumay Musharaxnimadiisii maraga iyo markhaatiga lahayd; Adiguna hantidiisii haysato. Waxaan kusoo koobayaa Adkayso waxaanad ka mid tahay Abeesooyinka Godka loogu soo galay ee uu Jamal karbaashi doono.

Waxaanan ku hambalyaynayaa Godka uu jamaal dagay inuu yahay godka kaliya ee uu ku argoosan karo. Barnaamijkii xalay ka baxay HCTV ( hunguri TV) ee Jamal lagu durayay wuxuu ka midyahay baqdinta iyo Cabsida durtaba soo wajahday cidii ka danbaysay shirqoolkii jamaal oo kow ka yahay Farxaan Xaaji Cali; maalinba midbaa godka kasoo baxaya qaar kale oo jamaal maagayana waad arki doontaan.

Hinda Jaamac Faarax
Political analysist UK- London
Hindajf@hotmail.co.uk.
admin:

This website uses cookies.