Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay maanta si rasmi ah u shaaciyeen isbahaysigii Xisbiga Kulmiye in ay Ku biireen ayaa waxa halkaasi sidoo kale lagaga dhawaaqay qaabka awood qaysiga Xisbiga.
Waxaana halkaasi laga magacaabay sadex xil oo kala duwan kuwaasi oo kala ah
- 1-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xildhibaan C/qaadir Jirde
- 2-Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xassan
- 3-Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro.
Heshiiska ayaa ah mid ay si isleeg awood qaybsiga xisbiga u wada galeen Xisbiga Waddani iyo Isbahaysigii ka soo cadhooday Shirwaynihii lagu doortay Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS