X

Heshiiskii Gaalkacayo oo la jabiyay iyo rasaasta oo dib u bilaabatay iyadoo la garanayn cida jabisay

War deg dega oo hadda ka imanaya magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in heshiiskii shalay la gaaray la jabiyay rasaas xooglehna laga maqlayo goobihii awal laysku haystay. Lama garan karo cida jabisay heshiiska waxase wararku sheegayaan in dagaalkani xooganaa oo rasaastu xataa soo gaartey xaafado cusub.

Dhinacyada Puntland iyo Galmudug ayaa midba kan klale ku eedaynayaa in uu isagu bilaabay rasaasta iyo waliba in ay saluugsan yihiin heshiiska qaarkood. Waxa wali ku sugan Gaalkacayo ergooyinka Somalida iyo kuwa caalamka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu bilaabmey qax cusub.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.