X

Heshiiskii xerta Siilaanyo lacagta kaga soo qaateen Imaaraadka ee dekeda Berbera iyo waxa ku duugan

Heshiiskii xerta Siilaanyo la soo galeen Imaarada Dubai oo shirkadeeda u qaabilsan dekedaha ay tahay ta wadata hawsha la sheegay ayaa dad badan wax iska waydiiyeen halka ay ku qotonto iyo in dawlada Somaliya wax ka ogtahay.

Waxa in muddo soo baxaysay in xerta Siilaanyo dioonayeen in ay iibiyaan dekeda Berbera lacagta u istcimaalaan danahooda gaarka ah, waxay dhinaca kale heshiisyo la galeen masuuliyiin ka socda Itoobiya oo iyagu diidey heshiiska qaybtiisa dhisida wadada ISKU XIRTA Berbera iyo Wajaale.

Kadib xiriirka xumaadey ee u dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta waxay Imaaraadku rabaan in ay helaan in ay qabsadaan dekedaha Somaliya mid ka mida si ay lacag uga helaan Itoobiyada balaadhan ee sagaashanka Milyan ah.

Sida xerta Siilaayo sheegayaan waa heshiis hordhaca oo ilaa hadda lama yaqaan waxa lagu heshiiyay aan ka ahayn sidey sheegeen in ay wax ka qabtaan dekeda Berbera iyo xaab xaab kale.

Waxase dad badan is waydiinayaan kaalin intee leeg ayay ku leedahay dawlada Somaliyeed ee uu hogaamiyo fadhiid Xasan Sheekh, iyadoo la sheegayo in ay hesiiskan ogolyihiin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.