X

Hilib digaag oo Hargeysa looga keeno Baraazil iyo khatarta caafimaad hilub aan xalaal ahayn

Sida aynu la wada socono dadyowga aduunyada waxay quutaan ama cunaan waxa ay iyagu la soo baxaan laakiin aduunyada meelna kama dhacdo in wadan uu dhaqaalihiisa iyo nolosha dadkiisu ku tiirsanaato waxa laga soo waarido wadanka dibadiisa.

Somaliland waa wadan yar oo aan ictiraaf haysan wax soo saarna la sheegi karo aan lahayn taasi waxay keentay in nolosha dhamaanteed ay ku xidhnaado wadanka dibadiisa taas oo aan u wanaagsanayn dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba.

Aan u daadago dulucda hadalkayga waayo horaa loo yidhi hadal haamo laga buuxsho waxaan halkan toos fariin uga dirayaa madaxweynaha oo ah mas’uulka kowaad ee dalka.

Madaxweyne waxaan si sharah leh kaaga codsanaya in aad deg deg amar madaxweyne ku joojiso HILIBKA DIGAAGA EE KA EE YIMAADA BRAZIL waayo xalay idaacada BBC-SOMALI waxay sii daysay warbixin ka hadlaysay tayada hilibkaasi oo wadamo badan laga joojiyay ka dib markii la ogaaday in hilibkaas lagu daro walxo caafimaadka dadka waxyeelaya wadamada laga joojiyay waxa ka mid ah CARABTA-YURUB-CANADA –iyo kuwo kale oo badan.

Madaxweyne wadankeena gaar ahaan Caasimada makhaayadaha wax laga cuno iyo supermarket-ka waxa lagu iibiyaa hilibkan maadaama aynu nahay wadan aan lab casri ah oo lagu baadho tayada hilibkan waxaan si naxariis leh kaaga codsanayaa in aad wadanka ka joojiso hilibka inta taalana aad talaabo ka qaado.

Madaxweyne xaalada aynu ku jirno anigoo ka duulaya waxay arintani iila muuqataa arin deg deg ah waayo bulshadu waa dan yar isla markaana uma adkaysan karto mushkiladaha caafimaad ee lagu sheegay hilibkan. Hadii ay sii socoto isticmaalka hilibka oo macnaheedo noqonaayo waan baahanahay looma bahalo cuno waxa bulshada ku iman karta xaalada caafimaad daro.

Waxaan ka codsanayaa dhamaan dadka madaxweynaha ka agdhow in ay fariintan gaadhiiyaan waa mas’uuliyada aakhiro iyo aduunkaba la idin waydiinaayo waxa iman doonta maalin aanad is difaaci karayn ama aanad shir jaraa’id qaban karayn………… ILAAHAY HALAGA BAQO OO DADKA HA LOO TUDHO.

Mustafe Xasan

Hargeysa,Somaliland

Tafo2011@hotmail.com

admin:

This website uses cookies.