X

Hogaamiyaha Jejniya Ramsan oo Taram ka xiray Inistagaram

Maraykanka oo sheegta inay xoriyada hadalka ku dheereeyaan ayaa markii sadexaad xirey bog uu hogaamiyaha Jejniya ku lahaa aalada ay faysbuug leedahay ee Inistagaram. “Waxba igama dhibayso hadday xirtaan iyo haddii kale ayuu yiri Ramsan oo lagu yaqaano inuu dadkiisa ka badbaadiyay burbur xoogleh.


Jejniya ayaa hadda ka mida gobolada Ruushka ugu fiican dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada, caasimada Gorosni ayaa ku burburtey dagaalkii u dhexeeyay argagixisada iyo ciidanka Ruushka.

“Xagjir Taram iyo reer Galbeedka ayaa ku sheega hogaamiyaha adag ninka dadkiisa u rooneyn waxaadse is weydiin kartaa Taram ma dhaamaa mar hadduu taas iyo wax ka daran sameeyo sida cunsureynta dadkiisa.


Maraykanka iyo reer Galbeedka waxay ka mid yihiin meesha hadaad hadasho adoo Muslima lagu raadsanaayo ayuu yiri Ramsan. Mar loo furey faysbuug ayuu ku qorey aniga iyo qorigeyga ayaa saaxiiba Isla markiiba waa laga xirey.


Mar la weydiiyay faysbuug waxay uga xirteen ayay ku sheegeen in si qalada ooda looga qaaday markii horeba, ayagoo Ku nuux nuuxsaday inay raacayaan amarada xagjir Taram.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.