Wararka ka imaananaya dalkaasi Malaysiya ayaa xaqiijay in hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi walaalkii ninka lagu magacaabo Kim Jong-nam oo 45 jir ahaa la dilay.
Kim oo ka weyn hogaamiyaha hadda ayaa dhuumasho ku jooga dalkalka EESHIYA waxana la sheegay in uu sii marayay Malaysiya xilliga dilku dhacay. Booliska dalkaasi ayaa cadeeyay in haweenay ay xaga dambne uga timi kadibna maro suna uga qabatey wajiga.
Kim ayaa la sheegay in uu naqafku ku dhigey kadibna loola cararay isbitaal halkaasna ku geeriyooday.
Kim ayaa cambaareeyay hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya ee ay xaga aabo ka walaalo yihiin, wuxuuna diidey in Woqooyigu noqdo dhaxaltooyo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS