X

Hogaamiyaha maamulka Cadaado ee Galmudug oo deg dega iska xaadiriyay safaarada Ingiriiska

Hogaamiyaha maamulka Cadaado ee Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf ayaa deg dega iska xaadiriyay safaarada Ingiriiska ee Muqdisho halkaas oo uu rabo in uu London yimaado.

Axmed Ducaale ayaa ahaa ganacsade dhinaca siyaasadana ku soo biirey sanadii 2000 inkastoo burburkii magaalada Muqdisho uu gacanta ku hayay guryo dadkii lahaa ka qaxeen.

Axmed Ducaale ayaa qayb weyn ka qaatey dagaalkii beeshiiasa Hawiye (Habargidir) iyo Biyomaal ee ka dhacay Shabeelaha hoose.



Axmed Ducaalle ayaa ku kalahay safaarada Ingiriiska si fiise loo siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday madaxweynaha cusub ee Galmudug inuu waanwaan la galo Ahlu suna, kana shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa labada maamul.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.