X

Hogaamiyihii argagixisada Shabaab Mukhtaar Roobow oo Baydhabo laga soo qabtey iyo sababta

Hogaamiyihii argagixisada Shabaab Mukhtaar Roobow ayaa Baydhabo laga soo qabtey. Mukhtaar Roobow ayaa u taagnaa musharaxnimada maamulka aan shaqayn ee Koofur Galbeed, waxana aad uga yaabay dadka badankiisa. Mukhtaar ayaan cafis weydiisan dadkii la xasuuqey inuu ka tirsanaa kooxda inkastoo oo uu isku dhiibey dawlada.


Wararka aan helayno ayaa sheegaya in diyaarad sidey ka soo degtay Muqdisho, waxa loo gudbiyay xarunta amnigiisa inta doorashadu dhamaanayso.

Dadka badankiisa ayaa qaba in aan kursi loo ogolaan argagixisadii xasuuqa u gaysatey boqolaal Somali ah iyaga laftooda ay u barakaceen una dhinteen kumanaan Somali ah.


Waxa jira hogaamiye kale oo welli aaminsan hawlaha kooxdiisa gaaleynta Muslimiinta ee shabaab oo Muqdisho loogu ogolaadey inuu ka soo afuufo sunta, waana Xasan Daahie Aweys.

Dawlada oo war ka soo saartey qabashada Roobow ayaa sheegtay in Roobow ku fashilmey inuu buuxiyo shuruudihii lala galay, weliba ku kacay faldambiyeed sida inuu ciidan keensaday Baydhabo.


“Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Rooboow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow” ayaa lagu yiri warka kasoo Bacau wasaarada amniga.

Roobow ayaan welli ka toobad keenin falalkii ka dhanka ahaa Muslimiinta Somalida ee ay gaaleyn jireen kuwaan ku jirin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.