Hogaankii ururkii ONLF ayaa soo xerogalay Jigjiga. Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka ONLF ayaa maanta ka soo degay Jigjiga kadib wadahadalo meel fiican maraya oo ay la qaateen hogaamiyaha isbedelka geeska Cabi Axmed.
Hogaanka ururkan ayaa xaruntiisu ahayd Eritariya waxayna soo guryo noqdeen markii Cabi Axmed uu Eriteriya ka saaray go’doonkii ay ku jirtey lagana qaadey cunaqabatayntii.
Ururkan oo dhismey markii uu burburey ururkii weynaa ee dib u xoreynta Somali galbeed ayaa dagaal hoose kula jirey dawladii Tigreega ee Itoobiya iyo kuwii ka horeeyay, waxayna inta badan ka dagaalami jireen aagag cayiman.
Waxa ugu weynaa weerarkii ay ku qaadeen shirkadii Shiinaha ahayd ee shidaalka ka qodeysay Cilaabo, halkaas oo ay dileen shaqaaale farabadan.
Tigreegii Milas Sanaawi ayaa ONLF ka dhigey urur argagixiso ah halka ay ahaayeen urur xornimo u raadinaya dadka deegaan ahaan ay matalaan sida magacu yahay.
Waxase aad uga horyimi isla beesha Ogaadeen hoganadii u hayay ismaamulka Somalida oo si xun ula dhaqmey cidey ku tuhunsan yihiin inay ku jiraan ururkaas.
Somalida kale ee deegaanka ayaa badankeedu ku jirin ama iyagu faraha ka qaadey la dirirka Xabashida iyo Tigreega markii dawladii weynayd ee Somaliya burburtey.
Hogaamiyaha jabhada ONLF ayaa ka hadley dhibkii isla beeshiisu u gaysatey ururkooda. Waxa Iyana so dhaweynta ka qayb qaatey dhamaan madaxda beesha Ogaadeen ee gobolka Woqooyi bari Kiiniya iyo Kismaayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS