X

Hooyo 27 sano suuxdin ku jirtey oo halmar hadashay iyo sida wax u dhaceen

Hooyo u dhalatey dalkaasi Imaaraadka oo 27 sano ku jirtey suuxdin ayaa Ilaah amarkii halmar hadashay sanadkii hore iyada oo bilowdey inay xanuun dareento. Wiilkeeda oo dareemay in wax u yeerayo ayaa farxad awgeed ishayn kari waayay. Hooyadan koomada gashay 27 sano oo lagu magacaabo Muniira ayaa gaari ku duqeeyay sanadii 1991 xilli ay wiilkeeda ka soo qaadaysay dugsiga.


Mucjisada Rabaaniga ah ayaa dhacdey xilli mudadaa wixii ka dambeeyay lala tacaalay caafimaadkeeda loona qaaday dhaqtarada aduunka ugu fiican laakiin waxba loo qaban kari waayay. Wiilkeeda ayaan marnaba rajo dhigin isagoo marhire loo sheegay in ay bilaa rajo tahay.

Waxa waqtigeyga ugu fiicnaa uguna quruxbadnaa inta aan hooyadey ag fadhiyo ayuu yiri Cumar Weybar oo raaciyay in Rabi iga fogaayay mishkiladaha aduunka intaan agteeda joogey.


Xilliga shilku dhacaayay ayaa iyada iyo wiilkeedu ay fadhiyeen xaga dambe ee gaariga, waxayna wiilkeeda ka badbaadisay jugta xoogeeda markii ay dhabteeda kula booday.

Wiilkeeda oo og sida hooyadii u badbaadisay ayaan marnaba ka quusan. Arinta mucjisada ah ee dhacday ayaa ah in isbitaalka Jarmalka oo hooyadii jiiftey uu muran dhexmaray wiilkeeda oo ka walwalsan dhaqdhaqaaqa hooyadii uu dalbadey in la soo gaaro laakiin dhaqaatiirtu ka cagajiideen kuna yiraaheen waa caadi ee iska dhaaf.


Murankaa dhexmaray wiilkeeda iyo dhaqaatiirta ayaa dareengaliyay hooyadii waxana uu maqley cid u yeeraya, Waana hadalkii ugu horeysay ee ay tiraa muddo 27 sano ah. Kadib waxa laga dareemay dhaqdhaqaaq iyo maskaxdii oo soo noqotey iyo dareemihii oo soo noqdey.


“Maalin ka farxad badan ima soo marin intaan noolaa ayuu wiilka hooyadeed oo xilliga hooyadii badbaadisay ahaa 5jir. Mucjisadan rabaaniga ah ayaa aad lii hadal gayaa Imaaraadka

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.