X

Hooyo 32 jirta oo lagu sii dayn karo 1 milyan oo doolar kadib markii ay dishey caruurteeda

Maxkamad ku taal dalkaasi Maraykanka ayaa xukuntey in hooyo Sacdiya Ibraahim Maxamed lagu sii deyn karo 1 milyan oo doolarka Maraykanka ah kadib markii ay dishey caruurteeda.

Hooyadan oo ku xiran xabsi ku yaal Maraykanka ayaa lagu helay inay si xun u dishey gabadheeda oo 5 jira iyo wiilkeeda oo 6 jira. Gabadheeda ayaa la sheegayaa in xaaladeedu xun tahay kadib markii ay feedhaha ka jebisay.


”Gabadha u malayn mayno inay ka badbaadayso jirdilka ay u gaysatay, haddana waxay la tacaalaysaa nafteeda ayuu yiri ninka xeer ilaaliyaha qaybta dambiyada.

Sacdiya ayaa la sheegay inay maskaxda ka jiranayd oo la ogaa haddana ayba qabto inayna cidna dilin ayna la yaaban tahay waxa loo xirey ayuu leeyahay nin iyada u doodaya.


”Wax yar ayaan la hadlay kadibna way igu dhigtey telfoonka waxayna ii sheegtay intaas aan idiin sheegay ayuu raaciyay.

Hooyadan ayaa la sheegay inay mar isku dayday inay disho aabaheed iyo hooyadeed. Waxa la amrey in laga qaado baasaboorka maadaama ay dhici karto inay ninkeeda uga daba tagto Somaliya. Waxa laga qaaday caruurteeda oo hadda cidkale koriso.


Waxay dhowr mar la soo xiriirtey booliiska ayadoo mar ka cabanaysa cashuurteeda marna magta hargabka Karoona. Qoyska Sacdiya oo iyagu saxafada la hadlay ayaa cadeeyay jirada ay qabto horena ugu sheegeen dawlada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.