X

Hooyo daad ku qaaday Hargeysa

Waxaa uu daad ku qaaday dooxa weyn ee magaalada Hargeysa, Marxuumad Suhuur Cabdi Ubaxle oo ahayd hooyo ka tagtay 7 caruur ah, ayaa xalay geeriyootay, kadib  markii uu qaaday dooxa weyn ee magaalada Hargeysa oo uu xiligaasi daad marayey.

Marxuumada Suhuur ayaa  wakhtiga ka talaabaysay jidka beerta xoriyada ee isku xidha xaafada birjeex iyo waliba beerta xoriyada.

Marxuumadan ayaa meydkeedu yaala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Iyada oo laga yaabo in maalinta barito ah aas loo sameyn doono, looguna sameyn doono magaalada Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.