X

Hooyo isku tuurtey webiga Shabeelle ee mara Balcad

Haweenay isku tuurtey webiga Shabeelle ee mara Balcad. Haweenaydan oo lagu magacaabi jirey Maryan Xaaji Abuukar Sh. Axmed Ziyaar ayaa ka mid aheyd dadka deegaanka,


Goobjoogayaal ayaa sheegay in Maanta ay tagtay Buundada Degmada Balcad oo uu Wabiga maro, ka dibna ay isku tuurtay, balse daqiiqado kadib laga soo saaray iyada oo nafta ay weli ku jirto kuna geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada oo la geeyey.


Ehelada haweenaydan ayaa sheegay inay mudooyinkan xanuusanayd ayna helina wax gargaara burburka dalka awgeed.

Dadka ku nool degmada Balcad oo aad uga naxay dhacdadaas ayaa maanta hadal haaya,. Hooyadan ayaa haysatay dhowr caruura.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.