X

Hooyo iyo gabadheeda oo cunsuriin gaadhiga ku jabiyeen oo ka

Hooyo iyo gabadheeda dalkaasi Kanada lagu cunsureeyay ayaa ka hadlay sidii loogu jabiyay gaadhi ay ku jireen oo ku jirey meel gawaadhida la dhigto. ”Daaqada ayaa nalagu soo jabiyay ana waan cararay ayay tidhi gabadhu kadibna wuu iga soo daba orday.


Hooyadey oo isku daydey inay iga dhiciso ayuu dhulka ku kala tuurey ayay ka hor tiri maxkamad ku taal magaalada Idhminton ee dalkaasi Kanada.

”Waxaba nagaga daran tuuryada iyo gaadhiga nalagu soo jabiyay nidaamka maxkamadeed oo rogey maskaxdayadii. Waxa caada ah wadamada gaalada inaan arinta la baadhin maka ay dhacdo ee bilo kadib dadka la weydiiyo waxa dhacay.


”Noqda oo taga dalkiina Somali xumi ayuu nagu caayay ayay tidhi hooyada oo magaceeda la qariyay si amaankeeda loo ilaaliyo.

Wadamada gaalada ayaa qofkii wax ku soo gaaraan ay tahay nin dameri dishey. Maxkamada ayaa welli u socita ninka cunsureeyay iyo qoyska, waxase jira ninkale oo ay diideen inay soo qabtaan.


Labada haweena ayaa madaxa ku xirnaa masar ama waxa Somalidu u taqaano xijaab. ”Ujeedadu waxay ahayd inay dilaan ayuu yiri Jibriil Ibrahim.

Niciima Xayle ayaa iyana garan la marada ay tuurto maadaama dharka ay xiran tahay iyo midabkeeda lagu beegsanayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.