Hooyo waayeela ayaa Muqdisho lagu dilay xilli dilalku caadi iska noqdeen magaalada Muqdisho. Warkan naxdinta leh ayaa sheegaya in hooyada lagu toogtey degmada Wadajir.
Askari ka tirsan Ciidamada Dawlada ayaa la sheegay in uu haweneeydan toogtay xili ay ku sugneeyd nawaaxiga isgooyska Danwadaagaha ee Degamda Wadajir.
Askariga dilka geystay ayaa waxaa warbaahinta gudaha baahiyeen in magaciisa lagu sheegay Maslax Ganeey kaas oo markii dilka uu geystay goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa la xaqiijiyay in ay goobta dilka uu ka dhacay in ay gaareen kuwaas oo baadi goob xoogan ugu jira askariga dilka gaystey lamana oga sababta dhagar qabuhu u diley waayeelkan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS