X

Horjooge Axmed Madoobe iyo Siciid Deni maxaa u yaala Xamar

Labada horjooge ee xaalku ku ciiray ee Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato iyo Siciid Deni oo geesinimo mooday mucaaradnimada dawlada dhexe iyo Somaliba ayaa maanta Xamar yimi. Waxay markiiba la kulmeen safiirka Maraykanka oo talo sii siiyay inta ayna la kulmin madaxweynaha.


Hadaba maxaa u yaala Muqdisho labadan horjooge

Waa marka hore waa lagu kala tagey doorashada waxana la qaatay nidaam ayna dawladu jeclayn laakiin ay doorteen sadexda horjooge ee kale, markaa wa go’aan dhamaaday oo aan ka noqod lahayn.

Waxa keliya oo u yaala Muqdisho labadan horjooge ayaa ah wejiga ii qariya iyo inay maslaxad ka raadiyaan safiirka Maraykanka oo markii hore la jirey laakiin hadda ka soo horjeedsaday markii heshiiska la gaaray.



Inkastoo ay jiraan xaalado farsamo oo doorashada ku saabsan haddana maaha mid ay talo xoogleh ku yeelan doonaan, waxayna arintu iskugu biyo shubanaysaa wejiga ii qariya ayuu yiri Cali Calasow.

Somaliya ayaa ku jirta gumeysi cusub ilaa haddana ma jiraan madaxdii ka saari lahayd.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.