X

Horjooge Mustafe Cagjar oo xidhey siyaasiyiin deegaanka ah

CAGJAR

Wararka aan caawa ka helayno maamulka Mustafe Cagjar ayaa sheegaya in siyaasiin lagu xidhey Jigjiga kuwaas oo isugu jira kuwo hore uga tirsanaa maamulkii Cabdi Iley iyo kuwo kalaba. Tirada saxda ah ee Cagjar xidhey ayaa lagu sheegay ilaa sadex.


Siyaasiintan Cagjar jeelka ku gurayo ayaa imaanaysa xilli uu maleeshiyadii ugu badnayd uu geeyay degmada Awbarre ee gobolka cashuurta ugu badan uu ka gurto ee Harawo, halkaas oo uu ku diley laba dhalinyaro ah.


Mustafe Cagjar oo siyaasad ahaan marhore fashilmay ayaa hadda ku darsaday inuu ugaadhsado dadka dhaliilsan maamulkiisa fashilka ah ee lagu khasaaray. Degmada Awbarre oo cashuurta ugu badan laga qaado ayaa ka aradan dhamaan adeegyada bulshada halka biyo gelino iyo laamiyo laga dilaaciyay deegaanada uu ka soo jeedo ee Ogaadeen.



”Waa shaqsi ka qabyaalad xun Cabdi Iley oo qabyaaladu dishootey, wuxuuse ilaaway in xoriyada gobolka ka jirta uu keenay raiisal wasaare Cabi Axmed ayuu yidhi Xirsi Warfaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.