X

Horjooge Muuse Biixi oo dhib ku haya Oromada Hargeysa kadib markii wadaadkiisu hadlay

Kadib markii wadaadka Muuse Biixi ninka lagu magacaabo C/raxmaan Dheere uu ka hadlay warar uu isagu sheegay inuu soo arkay kuna tilmaamay Oromada kuwo aan diin haysan dhib weyna ku haya Hargeysa, shaqooyinkiina ka qaatay dhalinta aan rabin inay shaqaystaan, ayaa wuxuu Muuse Biixi bilaabay inuu raafo Oromada Hargeysa joogta.


“Dhibka ugu badan ee na haysta ayaa ah waxa hadda nalagu eedeeyay inaan caruurta xadno ayay tiri hooyo Xaliima Aadan oo dadka tustey kaadhkeeda qaxootiga.

“Waxa naloo diidey inaan shaqaysano hadda waxaan ka baqaynaa inaan gaajo u Shimano ayuu yiri Cali. Ma garan karno waxa Muuse Biixi iyaga u beegsaday ayadoo dalka ay joogaan qaxooti Yamaniyiina iyo Suuriyaana.


Weerarka Muuse handaraab ku qaaday dadka Oromada ee aan badankooda walaalaha nahay ayaa waxa dabada ka wada wadaadada Muuse Biixi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.