Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in horjooge Siciid Deni uu albaabada u xirey xarun lagu baari jirey hargabka Karoona. Xaruntan ayaa waxa joogey shaqaale gaaraya 10 qof.
Shaqaalaha xaruntan baaritaanka ee magaalada Garoowe ayaa waxaa la sheegay inaysan wax mushahar ah helin afartii bilood ee ugu dambaysay, waxaana maalmihii ugu dambeeyey aad loo hadal hayey saamaynta ay arintaani abuuri karto.
Hawshan baaritaanka ayaa hadda waxa si meelgaara u qabta shaybaadhada gaarka loo leeyahay. Maaha markii ugu horeysay oo horjooge Siciid Deni oo bilaa ishahar dhigo shaqaale caafimaad.
C/laahi Warhaye
ARAABINEWS