X

Horjoogeyaasha argagixisada oo Muqdisho ka baxaya ayagoo xiran dharka haweenka

Horjoogeyaasha argagixisada ayaa Muqdisho ka baxaya ayagoo xiran dharka haweenka. Argagixisada ayaa waxa la soo gudboonaatey xaalad adag oo ayna ku shaqayn Karin.

Tan iyo markii uu bilowday howlgalka xasilinta Al-shabaab waxay awoodooda noqotay mid sii daciifeysa waxaana magaalada Muqdisho ka yaraaday dilalka qorsheysan iyo qaraxyda lagu qaadi jiray goobaha dowlada.

Taas bedelkeeda Al-shabaab waxay sameeyaan qaraxyo ay ku muujinayaan in awoodooda wali ay joogto waxaana hada ay u bedeleen qaraxyadooda in shacabka ay ku waxyeeleeyaan maadaaama goobihii dowlada amaankooda aad loo adkeeyay.



Xogo gaara oo Wakaalada Warqaad ay heleyso ayaa sheegaya in ragii qorsheyn jiray weerarada dilalka iyo qaraxyada ay isaga carareen magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabsi qaba in ay gacanta u galaan Sirdoonka Soomaaliya.

Horjoogayaal ku dhuumaaleysanayay Caasimada ayaa ka war helay inay ku dhow yihiin gacanta ciidamada amaanka, waxaana la ogaaday qaarkood iyagoo iska dhigaaya haween inay si dirqi kaga guureen Muqdisho.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.