X

Hub badan oo lagu qabtey argagixisada shabaab: SAWIRO

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen hub farabadan oo la sheegay in uu yaalla guri ku yaalla degmadaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Xalane oo la hadla warbaahinta ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan xaafadda hubkan laga soo qabtay ay bixiyeen xogtan, sidaana ku suurta gashay in lasoo qabto.

Hubkan ayaa isugu jira qoryaha Ak-47, rasaas, Bambooyin iyo sidoo kale qasnado ay rasaas ka buuxdo waxaana ku socda baaritaan.

Ciidanka DF ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen sida la sheegay ninkii mas’uulka ka ahaa gurigii lagu soo qabtay hubkaasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.