Argagixisada shabaab ayaa laga qabsaday hubkii ugu badnaa uguna khatarsanaa abid. HUbkan ayaa intiisa badan aan la garanayn sida ay ugu gacan galeen argagixisada oo baxsad ah.
Hubkaani halista badan oo lagu magacaabo ”Manpads” oo ay heystaan argagixisada shabaab ayaa qaar kamid ah u gacan galay ciidamada AMISOM xili ay howlgal ka wadeen deegaano hoostaga Gobolka Sh/Hoose oo ay maleeshiyada ku keydsanayeen Hubkaasi iyo Hub kale.
Howlgalka lagu qabtay Hubkaani dhif iyo khaliilka ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Saraakiil iyo Ciidamo cadaan ah kuwaasi oo xogta Hubkaasi ka helay Sirdoonkooda la shaqeeya argagixisada shabaab.
Hubkaani ayaa la sheegay in argagixisada shabaab ay si qarsoodi ah kala soo degtay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana jirta xogo kale oo muujinaaya in Hubkaasi ay argagixisadu kala imaaday dhanka Yemen, hayeeshee qaarkood u gaca galay ciidamada AMISOM iyo kuwa cadaanka ah.
Hubkaani loo yaqaan ”Manpads” ayaa waxaa loo adeegsadaa diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dagaalada culus waana Hub intiisa badan laga ilaaliyo qaarada africa.
Hubkaani ayaa waxaa xitaa laga ilaalinayaa Dowlada Somalia, oo laga cabsiqabo in qaabab khaldan ay u adeegsato.