X

Siilaanyo markuu miyir qabay shirkadaha patroolku SUN bay aasayaan ayuu odhan jiray by Abdi Mustafe

Maxaa is bedelay talow sow kii Silaanyo odhan jiray International Law baa jira oo dowlad aan la ictiraafin patrool looma soo saaro oo waxay blogyadu u xidhan yiin shirkado waa weyn oo beri hore qabsaday.
Sowkii Hadana Silaanyo odhan jiray patrool sahamin maayaan ee SUN bay dalka ku aasayaan Markaa maanta kuwa sahaminaya iyo Silaanyo iyo wasiirka musaqa badan ee macdanta ee la yidhaa weji xun ma sun bay iyaguna ku aasayaan???



Mise waagaa Silaanyo wuu miyir qabay iminkana wax baa caafimaadkiisa iska bedelay oo waxba ma kala oga miyaa….Waxa iyaduna cajaayib ah dowlad bilo u hadheen oo hadana patrool sahaminaysa.
Taasi caqliga ma gasho ee macdan baa lagu guranayaa miyaa talow. Wasiirka Weji Xun Ciidii galbeedka Lowyado agteeda wuxuu ku daabulaa Jibouti oo uu ka iibsadaa. Caalamka lama arag adan ciidiisa xaraasha.

Qudhaan joy ku quuso Silaanyo wadan ka danbaynayaa ma jiro danna kama laha. Qoyska Silaanyo goor may dhergayaan. Waxay moodayaan in ay weligood noola nayaan. Waxaan kaga baxayaa if iyo aakhiraba magac xumo ayay ku suntanyiin.

Abmustafe123@gmail.com
admin:

This website uses cookies.