Hay’ad dawlada Iiraan u qaabilsan deyn bixinta ama dabooliga dhinaca amniga ee deymaha la qaadanayo ayaa soo saartey wadamo deynta ka qaatey Iiraan oo welli aan bixin.
Wadamadaas waxa ku jira Jabuuti oo lacag Iiraan leedahay lagu dhisay barlamaanka dalkaasi sida ay sheegtay haweenay u hadashay hay’adaas dawliga ah.
Hay’adan ayaa daboosha baahiyaha aan saliida ku xidhneyn sida macdanta, sibidhka iyo ganacsiga guud. Marka dawladuhu lacagtaas amaahdaan waxa damaanada dhinaca amniga lacagtaas bixisa hay’adaas dawladu leedahay.
Wadamada kale ee lacago lagu leeyahay ayaa lagu sheegay Sri Lanka, Suudaan, Kuuba iyo Simbabwe.
Hay’adan ayaa dawlada Iiraan aasaastey sanadii 1973 waxana log talogalay in ay daboosho baahiyaha bariga dhexe iyo Afrika.
Dawlada Jabuuti Ayaan welli wax jaweaabna ka bixin hadalka ka soo yeeray haweenaydaas. Jabuuti ayaa Wahaabiyada Sucuudigu ku amartey inay xiriirka u jarto Iiraan waana sababta keentay in Iiraan dibedda u soo saarto deynta jirta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS