X

Iiraan oo dhoolatus milatari oo aan hore loo arag ku soo bandhigtey saxaraha

Iiraan oo maalmahan bilowdey dhoolatus milatari oo aan hore loo arag ayaa gantaalo casriya ku soo bandhigtey saxaraha dalkaasi. Dhoolatuska waxa ku jirey diyaaradaha aan is wadin, waxay dhamaantood toos u garaaceen yool macmala.


Dhoolatuska waxa ku jirey markab saliida oo dib u habayn lagu sameeyay haddana ay u isticmaali karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo weliba kuwa aan is wadin.

Dhoolatuskan ayaa imaanaya xilli markasta ay hanjabaad uga ytimaado Maraykanka. Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa iaanu ku dhiiran inuu sii kordhiyo cunaqabatayna laakiin la sugi karo siyaasada uu la yimaada.


”Waa dhoolatuskii ugu weynaa ee cir iyo dhula oo gebi ahaanba ahaa gantaalo dhacaya iyo diyaaradaha aan la wadin oo garaacaya yoolka loogu talogalay si aan leexasho lahayn ayuu yiri khabiir dhinaca gantaalaha.

”Maraykanku wu arkey waxa gantaalaha Iiraan goyn karaan ayuu raaciyay haddana ma oran karaan awood bartilmaameed oo saxa maleh.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.