X

Iiraan oo fashilisay afduub loo gaysan rabay diyaarad ay leedahay

Ciidanka aadka u tababaran ee jamhuuriga Iiraan ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day la doonayay in lagu afduubo diyaarad ay leedahay Iiraan oo ku socotey magaalada Mashaad ee Iiraan kana duushey magaalada kale ee Axfaas ee Koofur galbeed dalkaasi.


Waxay isku dayeen inay badda ka talaabiyaan oo ay geeyaan wadamada Carabta sida Sacuudiga ama Kuwayd aa Imaaraadka laakiinse way ku fashilmeen ayay yiraan. Waxay kaloo sheegeen in la qabtey qofkii isku daygaa sameeyay.

Ma sheegin halka uu ka soo jeedo qofka afduubkan loo qabtey iyo sababta uu u rabay inuu diyaarada u afduubto. Waxa ciidanka Jamhuuriga sheegeen in dadkii saarnaa la badbaadiyay lana saaray diyaarad kale oo gaysa halkii ay ku socdeen.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.