Iiraan ayaa jawaab ka bixiyay weerar Maraykanka iyo Sucuudigu ka dambeeyay oo lagu qaaday usbuuc kahor xaflad dabaaldeg oo ciidankeeda jamhuuriga wadey.
Weerarkaas argagixisnimo ayaa waxa ku dhintey ciidan ka tirsan jamhuuriga sida aadka ahna u tababaran iyo dad shacaba. Tirada dhimashada aya gaaraysay 25.
Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa la ogaadey inay weerarkaas ku lug lahaayeen. Iiraan ayaa sheegtay inay gantaalo ku garaacdey xarun Siiriya ku taal oo Sucuudiga iyo Maraykanku ku tababaro argagixiso daacish.
Waxay sheegtay inay burburisay xarumo isgaarsiineed disheyna argagixiso tababar ku jirey. Iiraan ayaa raacisay in gantaalaha ay ku ridey xarumahaas ay gaarayeen ridadoodu ilaa 370km.
Gantaalaha ay xaruntaas ku tuurtey ayaa waxa ku qornaa halku dhiga ”ha dhinto Maraykanka, ha dhimato Yuhuudu hana burburto qoyska Sacuud ee ka taliya dhulka barakaysan ee Carabta ee Yuhuuda ku xiran”.
Maraykanka, Yuhuuda iyo Sucuudiga ayaa si toosa u taageera argagixisada Daacish ee ka arimin jirtey Siiriya qaybaheedii gobolada dhexe iyo galbeedka dalka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS