X

Iiraan oo ku qososhay sheegasho ka timi cunsuri Taram

Milatariga dalkaasi Iiraan ayaa ku qosley sheegasho ka timi cunsuri Taram oo shalay sheegtay inuu soo riday diyaarad nooca aan qof wadin ah kuna soo ridey dariiqa Hormoos. ”Waxaan filayaa inuu khalkhalay anaga dhamaan diyaaradaha aan duulino xabad nagama maqna ayaa lagu yiri warbixin.


Cunsuri Taram oo xildhibaanada Maraykanka ku yiri ku noqda dalalkiina midabkooda awgeed ayaa shir jaraaid ku sheegay in diyaarad Iiraan leedahay ku soo dhawaatey Markab ay leeyihiin isla markaana amnigu khatar galay soona rideen.

Waala filaayay in Taram ka aargoosto Iiraan oo dhulka soo dhigtey diyaarad Maraykanku leeyahay laakiin midan ayaa u muuqata in la soo siiyay warbixin qaldan.


”Waxay iska rideen mid ay iyagu leeyihiin ayuu yiri sarkaal u Hadley ciidanka difaaca Jamhuuriyada Iiraan. Taram wuxuu rabaa inuu muujiyo inuu aargoosanayo laakiin midan waxba kama jiraan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.