X

Iiraan oo ku qososhay sheegasho ka timi Ingiriiska

Ciidanka jamhuuriga ee dalkaasi Iiraan ayaa beeniyay sheegasho ka timi dalkaasi Ingiriiska oo ahayd in Iiraan isku daydey inay qabato markab saliid ka soo qaaday Carabta oo marayay gacanta Iiraan.


Ingiriiska ayaa sheegtay inay waabiyeen doonyo dheereeya oo Iiraan leedahay kadibna ay dib u gurteen, waxayna codsadeen in Iiraan joojiso qash qashaada si looga fogaado isku dhac.

Ingiriiska oo ku xiran Maraykanka ayaan awoodin inuu keligii la dagaalamo Iiraan oo waxyeelo u gaysto.


Iiraan ayaa sheegtay in aanu jirin iska hor imaad noocaasa oo dhexmaray ciidankeeda iyo maraakiib ajaaniba. Iiran ayaa raacisay in haddii ay u baahdaan inay qabtaan markab ay si deg dega u qaban karaan oo bilaa fashila.

Ingiriiska iyo Iiraan ayaa isku dhacoodu bilowdey usbuucii hore kadib markii Ingiriisku qabtey markab joogey xeebta Isbayn ilaa haddana aan sii deyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.